Maraykanka oo kordhinaya ciidamada ka jooga dalal ay ku jirto Somalia

Mareykanka ayaa shaaciyey inuu isbadel weyn ku sameeyay Ciidamadiisa ka howlgalla qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka ku yaalla Bariga iyo  Galbeed Afrika.

Dowladda Mareykanka  ayaa intaas ku dartay in ay kordhisay ciidamada ka joogga Afrika, isla markaana ay ka qeyb gali doonaan howlgallada ay waddaan Ciidamada dalalka Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamtay in Ciidamadiisa uu  siiyey qalab casri ah si aanay khasaare uga soo gaarin weerarrada lagu soo qaado.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Thomas D. Waldhauser ayaa heegay in Ciidamada Mareykanka ay bedalleen qaabka ay uga shaqeyn jireen qaaradda Afrika ka dib markii  dhowr jeer ay waxyeelo ka soo gaartay Weeraro hubeysan.

Thomas Waldhauser ayaa xusay in Kooxaha hubeysan ee ay ka midka yihiin Al-Shabaab, Daacish iyo Boko haram ay adeegsanayaan Xeelado ciidamada Mareykanka halis gelinaya.

Taliyaha ayaa xusay inay xoojin doonaan Weeraradda ay ka fuliyaan Liibiya iyo Soomaaliya, sidoo kalena ay sare u qaadi doonaan taageeradda la siiyo ciidamada dalalkaas.

Labo askari oo ka tirsan ciidamada maraykanka ayaa sanadkii hore iyo sanadkan lagu dilay Somalia, xili ay ka qeyb qaadanayeen howlgalo ka dhan ah al-shabaab, waxaana Somalia jooga boqolaal ka tirsan cidamada Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -